Home Wararka Maanta Skatteverket:- Baaritaan lagu sameenayo Shirkadaha Sweden ee ka shaqeeya dhanka Nadaafada

Skatteverket:- Baaritaan lagu sameenayo Shirkadaha Sweden ee ka shaqeeya dhanka Nadaafada

0

Hay’dda canshuuraha ayaa sannad kasta fulisa dhowr kontorool oo qaasa ah. Iyadoona sannadkan goobha xoogga la saari doono sidii baaris loogu sameeyn lahaa  ey ka mid yihiin shirkadaha ku howlan nadaafadda.

Katrin Westling Palm, agaasimaha guud ee heyadda canshuuraha.

– Ganacsiga nadaafadda ayaan ognahay iney ka shaqeeyaan dad badan oo ku shaqeeysa suuq madow, waxaa kaloo shirkadahaa u shaqeeya dad aan sharci ku laheyn dalka iyo iyadoo ay jiraan shirkado badan oo isticmaala dadkaa, ayey tiri Katrin Westling Palm.

Kontoroolka hey’adda canshuuraha ayaa quseeya oo kaliya nadaafadda golayaasha hey’adaha iyo kuwa shirkadaha balse aan baaritaan ku sameyn doonin shaqaalaha nadiifiya guryaha degaanada ah.

In kastoo ay hey’adda canshuuruhu kontorool ku sameyn doonto shirkado kale oo ay ka mid yihiin kuwa ku howlan adeegga gaadiidka waxa haddana muuqata in fulinta kontoroolka shirkadaha nadaafaddu ay noqon doonto mid adag.

– Wuu yara adag yahay kontoroolkani iyadoo badanaa howsha nadaafaddu tahay mid la fuliyo waqti ka baxsan xilliga shaqada sida habeenka. Waxeynu la shaqeyn doonnaa hey’ado kale kuwaasoo naga caawinayo fulinta baaritaanada, ayey yiri Katrin Westling Palm, agaasimaha guud ee hey’adda canshuuraha.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here