Home News in English Booliska Norway oo sheegay in Haween isku dhex dagaaleen Masaajidka Towfiiq

Booliska Norway oo sheegay in Haween isku dhex dagaaleen Masaajidka Towfiiq

0

Booliska Dalka ayaa warbaahinta u Xaqiijiyay Dagaal dhexmaray labo haween oo ku dhex sugnaa Masaajidka Towfiiq ee Caasimada Oslo kuwaasi oo mid kamid ah farta Qaniinyo looga gooyay.

Booliska oo tagay masaajidka ayaa la kulmay Labada Haween oo midkood dhiigeyso waxaana Booliska ku qaadatay mudo helitaanka Farta laga qaniinay mid kamid ah Haweeneyda oo go’day.

Sida warbixinta lagu sheegay Haweeneyda laga qaniinay farta ayaa Da’deeda lagu sheegay 30 sano jir halka mida kale lagu sheegay 50 sano jir taasi oo markii danbe la xiray.

Falkan ka dhacay Masaajidka Towfiiq ee Caasimada Norway ayaa noqday mid laga hadal hayo Baraha Bulshada waxaana warbaahinta qaarkood maanta soo qoreen sababta keentay dagaalka Labadaasi dumar

Lasoco wixii ku soo kordha

Somaliska Oslo

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here