Home Wararka Maanta Somaliska Hindise Afar Sano oo Xabsi Ah Waalidka Caruurtiisa u kaxeeya Dibada si...

Hindise Afar Sano oo Xabsi Ah Waalidka Caruurtiisa u kaxeeya Dibada si uu ugu soo guuriyo

0

Dalka Sweden waxaa ka mamnuuc ah guurka caruurta lakin dad badan ayaa caruurta u kaxeeya Dalka dibadiisa si ay ugu soo guuriyaan.

Dowlada ayaa hada bilowday joojinta caruurta dibada loogu wado guurka waxaana ay diyaarisay qorshe lagu soo bandhigayo sharciyo kala duwan.

Hindisaha Dowlada waxaa kamid ah in danbi ay tahay guurka qasabka caruurta qofkii ama waalidkii lagu qabto falkaasi uu ku muteesto afar sano oo xabsi ah.

Sidoo kale in Maxkamada Cadaalada ay Mamnuucdo safarka dibada ee ku aadan Qofka looga shakiyo halis uu u geesan karo caruurtiisa sida guurka qasabka ah.

sharciyada waxaa kamid ah in Waalidka laga joojiyo safarka dibada hadii loo arko in caruurta ay ku soo sameenayaan gudniinka fircooniga ah.

ugu danbeyn Dowlada ayaa qorsheeneysa in Sharciyadan ay dhaqan galaan bisha July bilowgeeda waa hadii uu Barlamaanka ogolaado.

” waxyaabaha nuucan oo kale meelna ugama jirto bulshada sweden ” waxaa sidaa yiri wasiir Morgan Johansson.

Somaliska Stockholm

 

Info@somaliska.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.