Home News in English Warbixin Waa Imisa Tirada Qaxootiga ka tagay Dalka Sweden ee heestay diidmada

Warbixin Waa Imisa Tirada Qaxootiga ka tagay Dalka Sweden ee heestay diidmada

0

Masuuliyad cad oo dheeri ah ayaa loo baahan yahay sidii wax looga qaban lahaa xeerka tarxiilidda dalka Sweden  sida lagu sheegay warbixin uu soo saaray guddiga culuunta qaxa ee magaciisa loo soo gaabiyo Delmi, qoraalkaasina oo uu ka dambeeyay Henrik Malm Lindberg.

dadkii magan gelyada dalbadey ee diidmmada ku heley dalabaadkoodii ayaa si mutadawac ah dalka uga baxay. Tusaale ahaan sannadkii 2018 ayey qiyaastii dad ku dhow 20 000 diidmo ku heleen dalabaadyadoodii, balse ey si mutadawac ah dalka uga baxeen tiro gaarsiisan 8 000 oo qof, sida ku cad warbixinta Delmi oo ey wada jirka u qoreen Henrik Malm Lindberg iyo Joakim Palme, mar ay maqaal ku qoreen bogga doodda ee war geeyska DN.

Inkasta oo uu jiro rabitaan siyaasadeed sidii kor loogu qaadi lahaa tirada laga tarxiilo Sweden, ayaan dhanka kale lagu tirin iney ka mid tahhay howlaha ugu muhiimsan ee aasaaska u ah wakaaladda socdaalka iyo ciidanka ammaanka, maadaama aan loo qoondeeyn dhaqaale iyo aqoon ku filan, sida uu sheegay Henrik Malm Lindberg.

Henrik Malm Lindberg ayaa soo hadal qaaday saddexda hadaf ee laga leeyahey nidaamka qaxootiga oo dardar gelintuna ka hor imanayso labada gool ee kale – bani’aadminimada iyo ammaanka shuruucda.

Tusaale waxaa middaa u noqon karta sharcigii socdaalka ee dugsiyada sare ee u ogolaanayey qaar ka mid ah dhallinyaradii kelinimmada dalka ku timid suurtagal labaad oo ey dalka ku heli karaan deggenaansho. Midda kale waxay tahay shaqada oo ah qofka sharciga loo diido oo hadduu shaqo ka helo dalka loo ogol yahey inuu deggenaansho ku dallban karo.

– Waxay ila tahay in loo baahan yahay in dib u eegis lagu sameeyo suurtagalka sharcigan, in la eego suurtagalka asbaabaha hor istaagi kara taxiilka verkställighetshinder, si howlaha tarxiilka loo dedejiyo, sida uu sheegay Henrik Malm Lindberg oo warreeysi ay la yeelatay Katarina Helmerson oo ka howlgasha Ekot.

Miyaanay u ekaaneyn xeerar aan ammaan aheyn haddii  dhanna la fududeeyo asbaabaha hor istaagi kara tarxiilka, dhanka kalena la adkeeyo suurtagalka abiil lagu qaadan karo.?

– Midda laga hadleyo waa sidii dheeli tir ka wanaagsan loo heli lahaa. Waa in la helo nidaam ammaan ah oo bani’aadminimadana la jaan qaadi kara, halka dhanka kale aannu u baahannahey in la xoojiyo dardar gelinta, sida uu sheegay Henrik Malm Lindberg.

Somaliska Stockholm

Xigasho/radiosverige

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here