Home News in English Nin Sitay Toorey oo Caasimada London ka geestay Weerar sababay dhimasho iyo...

Nin Sitay Toorey oo Caasimada London ka geestay Weerar sababay dhimasho iyo dhaawac

0

Booliiska Britain ayaa sheegay inay nin mindi ku hubeysan ku toogteen Koonfurta magaalada London, iyagoo weerarkan ku sifeeyey fal argagixisnimo.

Waxay sheegeen in ninkan uu ugu yaraan laba qof ku weeraray mindi kuwaasoo ku sugnaa wado aad u mashquul badan oo ku taal degmada Streatham.

Qof goobjooge ah ayaa sheegay in nin watay abley ama mindi uu galay dukaan ka dibna uu dad ku weeraray.

Ninkan ayaa la sheegay inuu ka soo baxay dukaankii uuna banaanka ku haweenay baaskiil wadata uu tooreydii uu ku duray ka hor intii aan laga hortagin.

Dhawaq rasaaseed ayaa la maqlay, iyadoo Booliiska sheegayaan in hadda xaaladda gacanta lagu hayo, waxaana weli iska soo daba dhacaya faahfaahinta weerarkan.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here