Home Wararka Maanta Muwaadiniinta Sweden u dhashay oo laga soo daadgureeyay Dalka Shiinaha

Muwaadiniinta Sweden u dhashay oo laga soo daadgureeyay Dalka Shiinaha

0

Feyruska coronavirus ee sida degdeg ah u sii fidaya ayaa la xaqiijyay in illaa iminka laga helay dad kor u dhaafaya ilaa 17000 ruux oo ku kala dhaqan 27 dal.

Xalay fiidnimadii ayay aheyd kolkii ay soo caga dhigatay diyaarad siday ilaa toboneeyo ruux oo Iswiidhish ah oo lagala soo carayay  dalka Shiinaha. Waxaa ka mid ahaa dadkii saarnaa diyaarada Amanada Vall oo ah gabar ardeyda ah.

– Waa faraxad in ay dalkeeda timid, sidaasina waxaa yiri Åsa vall oo ah Amanda hooyadeed.

Abaaraa 9 fiidnimo xalay ayay soo caga dhigatay diyaayaradii siday Amanada iyo tobaneeyo kale oo Iswiidhish ah garoonka Arlanda. Ka hor inta aysan soo caga dhigan diyaarada ayaa la mariyay dhowr tijaabo oo lagu ogaanayo in ay qaadeen feyruska iyo in kale, balse waxaa lagu sii heyn doonaa qeybta karantiilka in mud ah.

Cudurkaan xawaaraha kusii fidaya ayaa haatan galaafsaday nolosha 350 ruux ilaa 27 dal.

In ka badan 17000 ruux ayaa qaaday feyruska intooda badana waa shiineys. Qofka keliya ee Iswiidhish ah ee ilaa haatan laga helay ayaa ah gabar 20-sano jir ah oo dhawaan ka timid Wuhan ee dalka Shiinaha.

Haweeyneydaan ayaa khamiistii ina dhaaftay loo kexeeyay cisbitaalka weyn ee Jönköping oo lagula tacaalayay balse xaaladeeda ma ahan mid halis ah.

Somaliska Stockholm

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here