Home News in English Degmooyinka Sweden oo Badalaya Sharciga Deganaansha Qaxootiga ee Dowlada soo kordhisay dhawaan

Degmooyinka Sweden oo Badalaya Sharciga Deganaansha Qaxootiga ee Dowlada soo kordhisay dhawaan

0

Qaar ka mid ah degmooyinka dalka ayaa qorsheeynayaa in ay soo dejiyaan qeynuun ah in qaxootiga u guura goobaha qaar ama Xaafadaha qaarkood ey waayaan xaqa ey u leeyihiin  lacagaha nolol maalmeedka ay dawladda ka helaan.

Qorshahan ayey xisbiyada Miljöpartiet iyo Centerpartiet ka soo hor jeedaan maadama ay u jeedaan in si khaldan loo isticmaalay sharciyada dalkan. Sharcigan ayaa markii hore macnihiisu ahaa in qaxootiga dalka ku cusub aan la dajin xaafadaha ay ajaanibtu ku badanyihiin si ay bulshada u dhex galaan.

Ebo-lagen waa magaca sharcigan oo qaxootiga u surtogalinaya in ay wakhtiga sharciga sugayaan magaalada ay doonayaan u guri karaan.

Hasayeeshe ayey dawladu dhowaan qeynuunkan bedeshay sannadkii hore halka 32 xaafadood laga reebay sharcigan. Kuwan ayaa la liita kala faqooqnaanta. Sidaas daraadeed ayaa qaxootiga halka hoy ka raadsada laga jaraya lacagaha maalmeed ee dagersättning loo yaqaano.

dhowr degmooyin ayaa ku talo jiraan in mamnuucidan lagu soo rogo degmooyinka qaar.

Mid ka mid ah degmooyinka go´aan ka gaadhay arrinkaas ayaa ah Landskrona. Torkild Strandberg.

-Waxaan rajeeynaynaa in isbedelkani keeno in qaxootigani u guuraan degmooyin aaney kala faqooqnaan ka jirin si ay bulshada u soo dhex galaan, ayuu sheegay mar uu warreeysi siiyay Karin Runblom oo ka howl gasha laanta wararka Ekot.

Degmooyinka Katrineholm, Kristianstad iyo Helsingborg ayaa iyaguna ku talo jira in ay sida Landskrona sameeyaan.

-Waxaan filayaa in ay degmooyin kale ku dayan doonaan Landsrona si aaney ajaanibtu ugu ururin xaafadaha gaar. Waa sida u sheegay Peter Danielsson guddoomiyaha maamulka Helsingborg kana tirsan xisbiga Moderaterna.

In sharcigan cusub la soo dejiyo ayaa ka yimid heshiis dhex maray dawladda, xisbiyada Centerpartiet iyo Liberalerna. Laakiin Centerpartiet iyo Miljöpartiet oo dawlada ka tirsan ayaa soo hor jeeda in degmooyinka qaari rabaan in ay degmada oo  dhan laga mamnuuco in loo soo guuro. Halka uu sharciga dawladuna sheegayo in mamnuucidan lagu soo rogi karo xaafadaha qaar keliya.

Somaliska Stockholm

Xigasho/radiosverige

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here