Home Wararka Maanta Nin Germalka ku toogtay Labadiisa Waalid iyo 5 qof oo Qoyskiisa kamid...

Nin Germalka ku toogtay Labadiisa Waalid iyo 5 qof oo Qoyskiisa kamid ah

0

Booliska Jarmalka ayaa sheegay iney xireen Nin toogtay lix qof oo ka tirsan qoyskiisa oo ay ku jiraan labadiisa waalid.

Toogashada ayaa ka dhacaday magaalada Rot am See oo ku taalla koonfur-galbeed Jarmalka sida ay sheegeen booliska deegaanka.

Ninkan oo 26 jir ah ayaa adeegyada gargaarka deg-deg ah u yeeray isagoo u sheegay inuu maqaahida ku dhex-toogtay dhowr qof isagoo dilkooda u isticmaalay qori sharciyeysan.

Waxaana meydadka oo ka koobnaa 3 rag ah iyo 3 dumar ah laga helay gudaha maqaaxida waxayna da’doodu u dhaxeeysay 36 ilaa 69 sano jir, sida ay sheegeen booliska gobolka Baden-Württemberg.

Waxaa sidoo kale weerarkaasi ku dhaawacmay laba qof oo kale oo isla qoyska ka tirsan kuwaasi oo uu mid ka mid ah dhaawciisu halis yahay.

Booliska ayaa ku hawlan iney ogaadaan sababta ka dambeysay toogashada, mana cadda in qof-kale uu ku lug-lahaa toogashdaasi, iyadoo wararku sheegayaan in toogashadan ay salka ku heyso arrimo la xiriira khilaaf dhinaca qoyska ah.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here