Home Wararka Maanta Dowlada Sweden oo ka hadashey Qaraxyada ku soo badanaya Magaalooyinka Dalka

Dowlada Sweden oo ka hadashey Qaraxyada ku soo badanaya Magaalooyinka Dalka

0

Habbeenimadii talaadadu soo galeeysay ayey xaafado ku yaala magaalada Stockholm ka dhaceen qaraxyo, sidaasi si la mid ah ayaa maalin ka dib, waxaa daar ku taala xaafadda Hageby ee ku taallo degmada Norrköping ka dhacay qarax kale oo lala eegtay daaro halkaasi ku yaala.

Waana waxyaabo argagax iyo walaac abuuray oo haatan su’aallo la iska weydiinayo sida ay ku dhacday in toddobaad gudihiis ay dhaceen qaraxyo sidaa halis u badan.

Ku simaha maddaxa ugu sareeya ee booliska Qaranka Sweden Mats Löfving,  ayaa isagoo la hadlaya telefeyshinka Sweden ee SVT, sheegay in arrimaha dhacaya ay yihiin kuwo ay doonayaan in ay wax ka qabtaan, balse qaraxdan weji kale la yimaadeen taa oo uusan dooneyn in ay dhacaan mar kale.

Sannadkii ina dhaafay ee 2019-kii, ayaa waxaa aad u kordhay qaraxyada dalka ka dhacay, kawaa oo gaaray 257 qarax, marka la bar bar dhigo sanadkii ka horeeyay ee 2018-kii oo ay dhaceen 162 qarax, sida ay taasi ku sheegtay tiro koob hey’adda ka hortagga dembiyada ee marka magaceeda la soo gaabiyo loo yaqaano BRÅ. Balse uu Mats Löfving saddex arrimmood uu sabab uga dhigay qaraxyadan soo laa laabtay.

”Marka ay sirdoonku baaritaankooda ku howlan yihiin, waxaa u soo baxday in ay jiraan 295 oo ah shaqsiyaad keli keli ah oo ah kuwa halista cas, kuwaas oo falal dambiyeedyadan geeysta, taa oo ah tiro aad u badan. Midda labaad waxey dadkaasi adeegsadaan dhalinyarro aad u da’ yar oo fuliya qaraxyada  islamarkaana ah kuwo nugu cusub oo eeynaan garaneyn iyo midda saddexaad, dadkani oo aan aheyn sida adiga iyo aniga oo kale, ee ay yihiin dad aan la qiyaasi karin, cudurro ka qaba maskaxda ama adeegsada maandooriyeyaal iwm”ayuu yiri  MatLöfving oo u waramayey telfeyshinka Sweden ee SVT.

Dhinaca kale wasiirka arrimaha guddaha Sweden Mikael Damberg (S) oo isagana laga wareestay talefeeynka ee SVT, ayaa sheegay in falalkan eeysan kedis ku aheyn in dad iska hurdo inta guryahooda bam lugu tuuro laga orod, balse uu ka careeysan yahay saameynta iyo isbadalada ay qaraxyadani la yimaadeen.

”Ma ahan wax iga yaabiyay, horay ayaan ugu arkay kediskii Malmö Malmökedis, laakiin waxaa caro gelinaya in aan arko kooxaha gaanigska oo ka dambeeya falalkan, ee haddana la yimid qowl cusub, kuwaas oo aan laheyn xad celiya, oo lugaha iyo wax ka toogta ama qaraxyo la beegta guryo ey deggen yihiin tusaale ahaan cid qaaraabo ah. Waana arrin halisteeda wadata oo kordheeysa. Waxaan ku rajo weeynahay in booliska la iman doona howl nidaamsan oo wax looga qaban doonaan dadka falalkan ka dambeeya islamarkaana lagana miro dhaliyo” ayuu yiri wasiirka arrimaha gudaha Sweden oo isagana u waramayey telefeyshinka.

Somaliska Stockholm

Xigasho/radiosverige

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here