Home Wararka Maanta Qaraxyo Xalay ka Dhacay Xaafadaha Husby iyo Kista oo Qof ku dhaawacmay

Qaraxyo Xalay ka Dhacay Xaafadaha Husby iyo Kista oo Qof ku dhaawacmay

1

Qof ayaa loo qadey cusbitalka, kadib dhaawacyo ka soo gaarey laba qarax oo xalay habeennimadii salaasadu soo galeeysay ka dhacaey xaafadaha Husby iyo Kista oo dhaca waqooyi galbeed ee magaalada Stockholm.

Qaraxyadan ayaa dhacay abbaaraa labadii iyo barkii habeennimo ee salaasadu soo galeeysay, iyadoona goobaha ey ka dhaceen isu jiraan baaxad 500 oo mitir u dhexeeysa muddo daqiiqado u dhexeeyso.

– Dhaawacyo waaweyn ayaa soo gaarey guryaha dabaqyada ee qaraxyada lala beegsaday, hase yeeshee aan illa hadda la ogsooneeyn xaqiiq dhab ah sida wax u dhaceen, sida ay sheegtay Towe Hägg, af hayeenka ciidanka ammaanka ee magaalada Stockholm.

Goobaha qaraxyadu ka dhaceen ayuu iminka uu ciidanka ammaanku xiray, iyadoona ay halkaasi ka socdaan baarisyo. Waxaa sidoo kale la furey laba kiis dacwadood oo la xiriira halis gelin ammaanka bulshada.

Shakhsiga cusbitalka loo qaadey ayaa lagu soo warranayaa iney gaareen dhaawacyo aan sidaa u weyneeyn.

Somaliska Stockholm

Xigasho/radiosverige

AD

1 COMMENT

  1. Waxa nasiib daro ah idinkuna qarax wadan kale ka dhacay ayad noga waramsysan, masna moqdisho intaaso qaraxa ka dhaca Malin kasta, damiir ma lihidin miyaa!

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here