Home News in English Dowlada Sweden oo Miisaaniyad dheeraad ah ku dartay Daryeelka iyo Nabadgalyada Wadanka

Dowlada Sweden oo Miisaaniyad dheeraad ah ku dartay Daryeelka iyo Nabadgalyada Wadanka

0

Dowladda iyo xisbiyada Center-ka iyo Liberal-ka ee Sweden ayaa shir jaraa’id oo ay maanta wada jir u qabteen ku sheegey in ay sannadkan 2020-ka, miisaaniyada Gu’ga loo qoondeeyey 5 bilyan oo karoon oo loogu talagalay daryeelka iyo nabad galayada.

Miisaaniyadan oo ah mid lagu xoojinayo waaxda dawladaha hoose iyo sugidda adeegyada muwaadiniintu xaq u leeyihiin in ay heelaan daryeel wanaagsan, iskuullo iyo xanaano, ayaa waxaa la filayaa in ay ka faaiideeystaan degmooyinka dalku ka kooban yahay.

Dowladda ayaa sidoo kale miisaaniyadan u qoondeeysay in kor loogu soo qaado nabadgalyada dalka iy xoojiinta ciidanka ammaanka, xabsiyada iyo dembi baarista.

”Waxaan hadda si hordhac ah ugu sheegayaa degmooyinka, miisaaniyad dheeri ah oo sannadka aannu u qoondeeyney. Degmooyinkii horey u qorsheeyey iney ku tallaabsadaan shaqaale dhimis, waxaan leeyahay hakiya ”ayey tiri Magdalena Andersson oo ah wasiirada maaliyada Sweden, oo shir jaraa’id kala qeyb qaadatay qaar ka tirsan xisbiyada bishii janaayo heshiish-ka la galay xukuumadda Stefan Löfven. Dhinaca kale nidaamka garsoorka dalka ayaa loo qoondeeyey 400 bilyan oo koron, halka 180 milyan-na loogu tagalay maxkamadaha socdaalka. Hey’adaha dowlada ayaa sidoo kale loo qoondeeyey 250 malyan oo koron, halka kastamyada lagu xoojinayo  lacago dheeri ah iyo hey’adda u qaabilsan kormeerka Xogta.

”Waxa aannu tan u samaynay waxaynu aragnaa baahiyaha iyo horumarka bahalnimada ah, laakiin sidoo kalena aan aragno waxyaabo aan halkan ku qaban karno oo saameyn yeelan kara”, ayuu yidhi Mats Persson, oo ah afhayeenka siyaasadda dhaqaalaha ee xisbigga L. Xisbiyad mucaaradka ayaa dowaladda ka codsaday iney lacago dheeri ah u qoondeeyso adeegga bulshada. Xisbiga V, ayaa codsaday 10 bilyan oo koron, halka  xisbiga M uu isna codsaday 3 bilyan, sidoo kalena si gaar ah loogu qoondeeyo 2.7 bilyan oo dheeri ah booliska iyo nidaamka cadaalada. Halka ugu dambeyntii xisbiga KD uu isaguna soo jeediyay 6.7 bilyan oo dheeri ah in la qoondeeyo.

Somaliska Stockholm

Xigasho/radiosverige

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here