Home Wararka Maanta Sweden oo digniin kasoo saartay Safarada iyo Xaalada Dalka Ciraaq ka taagan

Sweden oo digniin kasoo saartay Safarada iyo Xaalada Dalka Ciraaq ka taagan

0

Wareeysi ay wasiiradda arrimmaha dibadda Sweden siisay laanta idaacadda ee Studio Ett makhribnimadii shalay ayay ku sheegtay in wasaaraddeedu uga digeeyso muwaadiniinta iswiidhishku iney u socdaalaan dalka Ciraaq, middaasina oo ka dambeeysay xiriirka sii xumaanaya ee ka dhexeeya waddammada Iiraan iyo Mareeykanka.

-Xaaladdu sida ay iminka tahay waa mid halis ah. Sida ay maanta tahayna waxay wasaaradda arrimmaha dibaddu bixisay digniinta dhammaan safarrada loo aado dalka Ciraaq, marka laga yimaado nawaaxiyada ey kurdidu ku dhaqan tahay, halkaasina oo digniintooda laga sii adkeeyey, sidii ay horay u ahayd, sida ay sheegtay Ann Linde (S), wasiirka arrimmaha dibadda Sweden.

Digniinta safarrada dalka Ciraaq ayaa socon doonta inta wasaaraddu ay wax ka bedelan ka soo saari doonto arrinkaa. Halka horraantii ay wasaaraddu ka digniin bixisay qaybo ka tirsan dalka Ciraaq, halka dhanka kale ay wasaaraddu ku boorisay in muwaadiniinta iswiidhishka ee dalka Ciraaq ku sugan ey taxadar muujiyaan.

Somaliska Stockholm

Xigasho/radiosverige

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here