Home Wararka Maanta Ururka IOGT-NTO oo Ciyaaro isdhex-gal u qabtay dhalinyarada Jordbro

Ururka IOGT-NTO oo Ciyaaro isdhex-gal u qabtay dhalinyarada Jordbro

0

Xaafada Jordbro oo ka tirsan Kamuunka Hanning ayaa lagu qabtay kulan ciyaareed is dhexgal ah kaasi oo lagu dhiirogaliynayay dhalinyarada ku nool Xaafada Jordbro.

Ciyaaraha waxaa soo qaban qaabiyay Ururka IOGT-NTO oo dhalinyarada ka wacyi galiyay arimaha xun sida kooxaha isticmaala daraagiska.

ku dhawaad 6 koox oo ka dhisan Xaafada Jordbor qeybaheeda kala duwan ayaa ka qeyb galay ciyaaraha oo noqday mid kamid ah ciyaaraha iyo koobabka ugu xiisaha badnaa.

mid kamid ah dhalinyarada ciyaaray oo lagu magacaabo Alex ayaa somaliska.com u sheegay in Ciyaaraha ay qabteen Ururka IOGT-NTO uu ahaa mid aad u xiiso badan isla markana dhalinyaro ahaan aad ugu farxeen.

Koobkan lagu qabtay Xaafada Jordbro ayaa ku soo aadaya xili dhalinyaro badan oo ku nool wadanka ay ku biiraan kooxaha gangiska taasi oo ah dhibaatada ugu badan ee xiligan ka taagan wadanka.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here