Home Wararka Maanta War Hada Ah Tareenada mara Dhulka Hoostiisa oo loo joojiyay Bam looga...

War Hada Ah Tareenada mara Dhulka Hoostiisa oo loo joojiyay Bam looga Shakiyay Awgeed

0

Khadka buluugga ah ee tareenka mara dhulka hoostiisa ee Solna ayaa la joojiyey ka dib go’aan ay bilaysku ka gaadheen sida laga soo xigtay SL.

– Qiyaastii 20.30 fiidkii, booliisku waxay naga codsadeen inaan joojino taraafikada u dhaxaysa Fridhemsplan, Hallonbergen iyo Solna labada jihoba. Aleksander Krajisnik ayaa sidaas u sheegay wargayska TT.

Sida laga soo xigtay warbixinno badan oo warbaahin ah baahisay , nin saarnaa tareenka ayaa ku dhawaaqay hanjabaad bam uu hoosto taasi oo keentay hakinta Tareenada Qaar ee Caasimada Stockholm ee Sweden.

– 20.25 waxaan soo wacnay maamulka taraafikada, halkaas oo dadka tareenka saarnaa  ay noo sheegaan in uu jiro nin bam ku xiray tareenka. Dadkaasi ayaa la daadgureeyay. Cidna looma hayo falka, ayuu yidhi Mats Eriksson oo ka tirsan booliiska Stockholm u sheegay Expressen.

Joojinta Tareenada ayaa saameen ku yeeshay Tareenada kale ee J Ee loo yaqaano Pedeltåga ee aada dhanka Bartamaha Magaalada Stockholm

Warar Somaliska heshay ayaa sheegaya in uu dib u furmay Isku Socodka Tareenada mara dhulka Hoostiisa iyo kuwa kale ee caadiga booliska ayaana sheegay in baaritaan lagu wado Falkaan.

Somaliska Stockholm

Xigasho/Aftonpladet

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here