Home News in English Migrationsverketka oo soo saaray Tirada Dadka dib loo qiimeendoono Da’dooda dhalashada

Migrationsverketka oo soo saaray Tirada Dadka dib loo qiimeendoono Da’dooda dhalashada

0

Wakaaladda baarista dunuubta Rättsmedicinalverket oo bil dabadeed u gudbin doonta wakaaladda socdaalka caddeeyntii ugu horreeysay ee da’da.

-Caddeeynta da’da ayaa muhiimad ku leh howlaha la xiriira dalabka magan-gelyo doon gaar ahaan sidii aan goob loo wada dejin dadyoow qaan-gaar ah iyo dhallaan, sida ay sheegtay Åsa Carlander Hemingway oo ka howl-gasha wakaaladda socdaalka.

Illaa iyo hadda ayaa lagu casumey dadyoow gaarsii-san 1 340 baarista da’dooda, howlahaasina oo loo xil-saarey wakaaladda baarista dunuubta halka ey 1 207 ka mid ahi aqbaleen codsigaasi.

Wakaaladda socdaalka ayaa qiyaaseeysa in sannadka la qiimeeyn doono da’dooda tiro u dhexeeysa 3 000 illaa iyo 14 000 oo ruux.

Howlaha qiimeeynta da’da ayaa ka kooban raajo laga qaado gows-dambeedka iyo jilibka, middaasina oo ey dhakhaatiirtu soo qiimeeyn doonaan.

Baarista da’da ayaa dhanka kale la xiriirta ogaanshaha Qofka ee dadiisa rasmiga madama dad badan ay isku dhiibeen dhalasho qalad ah si sharci loo siiyo.

Somaliska Stocholm

Xigasho/radiosverige

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here