Home News in English Sharci Cusub oo Qaxootiga dhib ku ah oo bilaabanaya Bisha January ee...

Sharci Cusub oo Qaxootiga dhib ku ah oo bilaabanaya Bisha January ee Sanadka 2020

0

Is badael ayaa ku dhacay xeerka qaxootiga doonaya inuu doorto ama la yimaado hooygii uu ku noolaan lahaa, waxa loo yaqaano (EBO).

Is bedelkan ayaa ka dhigan in qaxootigu lumin doono gunno- maalmeedkii uu xaqa u lahaa haddii uu deegaan ka dhigto xaafadaha qaarkood.

Fikirka ka dambeeya xeerkan ayaa ah sidii loo sahli lahaa in qaxootiga/ajaaniibta dalka ku cusb ey sida ugu dhakhsiyaha badan ula fal geli lahaayeen bulshada (is dhex galka). In la dejiyo degmooyinka ugu suurtagalka wanaagsan oo ey bulshada kula qabsan karaan, isla markaana uga mid noqon lahaayeen.

Xaafadaha khatarta ku jira (danyarta) 32 degmo

Dawladda ayaa soo ban dhigtay iney jiraan xaafado ka tirsan 32 degmo, kuwaasina oo ey hor yaalaan howlo culus. 32-ka degmo ayaa inta lagu guda jiro xilliga gu’ga waxey wakaaladda socdaalka ku soo war gelin doonaan xaafadaha (cinwaannada) laga hadleyo. Halka wakaaladda socdaalkuna liis ka soo saari doonto goobaha saameeynta ku yeelan kara gunno-maalmeedka qaxootiga. Iyadoona liiskaasi lagu soo daabici doono bogga wakaaladda socdaalka 1-da bisha luulyo 2020.

32-ka degmo waxey kala yihiin: Borlänge, Borås, Botkyrka, Eskilstuna, Filipstad, Gävle, Göteborg, Halmstad, Helsingborg, Huddinge, Järfälla, Jönköping, Karlskrona, Katrineholm, Kristianstad, Landskrona, Linköping, Malmö, Motala, Norrköping, Nyköping, Perstorp, Sandviken, Stockholm, Södertälje, Trollhättan, Uddevalla, Uppsala, Västerås, Växjö, Åstorp iyo Örebro.

Xeerkan ayaan qabadan doonin dadkii horey ugu deganaa xaafadahaa wixii ka horreeya 1-da bisha luulyo 2020 inta aannu xeerku hir gelin. Waxaadna halkaaga ka sii qaadan doontaa gunno-maalmeedkaaga.

Somaliska Stockholm

Xigasho/radiosverige

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here