Home News in English Taageerida Xisbiga Qaxootiga Neceb ee SD oo saro u kacay Xisbiga S...

Taageerida Xisbiga Qaxootiga Neceb ee SD oo saro u kacay Xisbiga S oo hoos u dhacay

0

Xisbiga Sverigedemokraterna ayaa hantiyay taageeradiisii abid ugu ballaarnayd ee saadaalinta hayadda SCB 22,6% cabirkii la sameeyey bishii nofeember.

Waa taageero aad kor ugu kacday kolka loo barbar dhigo midkii ka horreeyey ee bishii maajo oo uu xisbiga SD hantiyay 17,1%. Halka uu xisbiga Socialdemokraterna ku helay taageeradiisii ugu liidatay illaa wakhtigan isagoona ka soo degay 27,6% bishii maajo, hoosna u gaaray 26,3% bishii nofeember.

Taageerada ugu ballaaran ayuu lumiyay xisbiga Kristdemokraterna oo ka soo degey 13,0% una degey 6,6%. Xisbiga Moderaterna ayaa iminka galay kaalinta saddexaad, hoosna uga dhacay kaalintii labaad ee uu haysan jiray isagoona hantiyay taageero gaarsiisan 18,3%. Waana kor u kac aan ballaarnayn kolka loo barbar dhigo saadaalintii bishii maajo 16,0%.

Xisbiga Vänsterpartiet ayaa lumiyey xoogaa taageereyaal ah wuxuuna hantiyay 8,1%. Sidoo kale waxaa isaguna taageereyaal lumiyey xisbiga Miljöpartiet oo saadaalintan ku hantay taageero gaarsiisan 5,1%.

Saadaalinta SCB ayey ku dhaceen is bedello la hubo xisbiyada kala ah S, SD, M, KD, V iyo MP.

Xisbiga Liberalerna oo in muddo ahba ku sugnaa heer ka hooseeya saamiga lagu galo baarlamanka ayaa wakhtiyadii dambe heleyey taageero gaarsiisan 4,1% oo wax yar ka sarreeysa xadka, kolka loo barbar dhigo halka ay taageeradiisu gaarsiisnayd bishii maajo oo ay ahayd 3,7%. Xisbiga Centerpartiet oo horay bishii maajo u heeystay 6,9% ayuu iminka taageero ku helay 7,3% bishii nofeember. Is bedellada taageerada ee xisbiyada L iyo C ayaan ahayn kuwo la xaqiijiyey ama la hubo.

Somaliska Stockholm

Xigasho/radiosverige

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here