Home Wararka Maanta Stockholm Tirada Caruurta laga qaato waalidkooda oo korortay

Stockholm Tirada Caruurta laga qaato waalidkooda oo korortay

0

Kor ayey u kacdey gobolka Stockholm sannadkii ugu dambeeyay tirada dhallaanka la go’aamiyo in reerahooda laga qaado iyada oo la tiigsaneyo xeerka dar yeelka dhallaanka – Lagen om vård av unga, sida ay baaris ku ogaatay laanta idaacadda ee P4 Stockholm.

Lixdii sannadood ee ugu dambeeyey ayey kor u kacday tiradaasi gobolka iyadooan gaadhey 780 kiis halkii ay horay uga hayad 580. Waana tiro kor u kacday 33 boqolkiiba.

Kor u kacan ayaan la ogsooneeyn waxa ka dambeeya, maadaama aannu jirin dabagal baaris ee arrinkaa lagu sameeyey, sida ay aaminsan tahay Pernilla Leviner ahna caalimad ka howl gasha jaamicadda Stockholm, isla markaana ah hor joogaha xarunta dhexe ee xuquuqda dhallaanka.

– Waxaa ugu wacnaan karta culeeys bulshada ku soo kordhay, waxaa dhici karta in aannu kaga wanaagsanaanney in horay loo arko dhallaanka dhibaateeysan, sidoo kale in baarista hayadda adeegga bulshadu si ka wanaagsan u caddeeyaan  baahida dhallaanka. Waxaa sidoo kale ugu wacnaan karta in hoos looga dhacey howlihii ka hor tagga, sida ay sheegtay Pernilla Leviner oo u warrameeysay laanta Idaacadda ee P4 Stockholm.

Afar ka mid ah 26-ka degmo ee gobolka Stockholm ayey hoos u dhaceen ilmaha waalidkood lagala wareego, sida war bixinta lagu sheegay.

Somaliska Stockholn

Xigasho/radiosverige

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here