Home Wararka Maanta Somaliska Booliska Ingariiska oo soo bandhigay Ninkii ka danbeeyay Weerar ka dhacay Buundada...

Booliska Ingariiska oo soo bandhigay Ninkii ka danbeeyay Weerar ka dhacay Buundada London

0

Booliiska magaalada London ayaa aqoonsaday nin shalay weerar loo adeegsaday toorey ku qaaday dad marayay buundada magaaada London, waxaana weerarkan booliiska ku tilmaameen in uu ahaa mid argagaxiso.

Weerarka ayaa la sheegay in uu fuliyay ninka lagu magacaabo Usman Khan oo 28-sano jir ahaa, ninkan ayaana horey loogu xiray dambiyo dambiyo la xariira falal argagaxiso sida booliiska sheegeen.

Taliye ku xigeenka boooliiska London Neil Basu ayaa sheegay in ninkan weerarka geestay horey loogu helay falal argagxiso sanadkii 2012-kii xabsigana la dhigay, waxa uu xusay taliyaha in ninkan xabsiga damiin looga sii daayay bishii december ee sanadkii 2018-kii.

Booliiska magaalada London ayaa bilaabay baaritaano ku aadan ninkan weerarka geestay iyo goobtii uu kunoolaa, waxa ayna booliiska raadinayaan hadii ay jiraan dad kale oo falkan ku lug lahaa.

Weerarka toorey loo adeegsaday uu shalay ninkan ka geestay buundada magaalada London ayaa waxaa ku dhintay labo qof halka sadex qof oo kalana ku dhaawacmeen, booliiska ayaana markii dambe ninkan toogasho ku dilay.

Info@somaliska.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.