Home Wararka Maanta Sharciga Guryaha lagu dajinayo Qaxootiga ama Dhaqaalaha looga jarayo hadii ay diidaan...

Sharciga Guryaha lagu dajinayo Qaxootiga ama Dhaqaalaha looga jarayo hadii ay diidaan oo bilaabanaya

0

Laga bilaabo xilliga kala guurka ee sannadaha 2019-2020 waxaa hir geli doona xeer qaxootiga ka mamnuucaya iney doortaan deegaankii ey ku noolaan lahaayeen, haddii kale laga jari doono taageerada dhaqaale ee nolol maalmeedkooda.

Si haddaba looga baxsado dhibaatada ciriiriga guryaha iyo kala faqooqnaanta bulshada ayaa la go’aamiyey in qofka doorta inuu dego xaafadaha danyartu ku badan tahay laga jaran doono dhaqaalaha taageerada nolol maalmeedka, midkaasina oo dad badan u ah dakhliga keliya ee soo gala.

Goolka tallaabadaa laga leeyahey ayaa ah in soo galootigu ey ka door bidaan iney deegaan ka helaan magaalooyinka yaryar. Waxaa kaloo looga gol lahaa kolkii xeerkan la dhigayey in maamullada degmooyinkuna degsadaan qorshooyin ka wanaagsan oo ey ku maareeyeen sidii ey habka ugu wanaagsan ugu casumi lahaayeen qaabilaad qiime leh.

Dawladda ayaa aaminsan in dhibaatooyinka ka jira goobaha qaarkood ey xaddidan yihiin. Iyadoona si loo ifiyo loo isticmaali doono dhowr cunsur ama walxaad oo ey ka mid yihiin heerka tacliinta, shaqa la’aanta iyo tirada qaadata taageerada dhaqaalaha (ceydha). Ugu dambeeyn maamullada degmooyinka ayaa go’aamin doona haddii ey jiraan asbaabo lagu xaddidi karo suurtagalka in si madax bannaani ah hooy looga raadsan karo.

Somaliska Stockholm

Xigasho/radiosverige

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here