Home Wararka Maanta Degmoyinka Sweden oo Lacago badan ka hela Baakinada Gawaarida la dhigto

Degmoyinka Sweden oo Lacago badan ka hela Baakinada Gawaarida la dhigto

0

Lacagaha laga qaado gaadiidka isticmaala goobaha gaadiidka la dhigto ee baarkinada ayaa kor u qaada dhaqaalaha degmooyinka iyada oo tan iyo sannadkii 2014, dakhliga degmooyinka ka soo gala baarkinada uu sare u kacay 50 boqolkiiba.

Lacagta laga hadlayo ee ka soo xaroota khidmooyinka baarkinada ayaa ah balaayiin karoon iyda oo lacagataasi degmooyinka qaar, ay noqoto  mid dheereed ah hase yeeshee waxay ku darsadaan  miisaaniyadooda.

Jönköping ayaa ka mid ah degmooyinka lacagta ka soo gasha baarkinada, noqotay mid badan, iyada oo degmaddu ka heshay 80 milyan karoon xagga baarkinada sannadkii hore.

Kala bar 80 kaasi milyan ee u soo xarootay degmadda Jönköping ayaa noqotay lacag dheeri ah.

Anders Holt-Busk oo ah madaxa qeybta maareysa baarkinada ee degmadda Jönköping ayaa sheegay in lacagtaasi ku laabatay khasnada degmada iyada oo loo qeybiyay adeegyadda bulshada ee degmada qabato sida iskuulada iyo goobaha lagu xanaaneeyo waayeeladda.

Professor Olle Lundin, oo ku xeeldheer culluunta sharciga maamulka kana tirsan jaamaccada Uppsala ayaa sheegay in ay faa’iido tahay ayna habboon tahay  in degmooyinka lacagaha dheeriga noqdo,  ku daraan miisaaniyadood gaar ahaan iskuuladda iyo waxii la hal maala.

Somaliska Stockholm

Xigasho/radiosverige

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here