Home Wararka Maanta Xubnihii Maamulka Al-Azhar oo Racfaan ka qaatay Xukunadii lagu riday

Xubnihii Maamulka Al-Azhar oo Racfaan ka qaatay Xukunadii lagu riday

0

Bishii ontoobar 2019 ayay ahayd kolkii afar ka tirsan hoggaanka sare ee ururka samafalka Al-azhar, waxna ka wada iskuulka Al-azhar ee ku yaala xaafadda Vällingby ay maxkamadda racfaanka – Svea hovrätt ku riday xukunka dembiyo uu ka mid yahay dembi xoogan ee dhaqaale.

Hoggaamiyihii hore ee ururka samafalka ayaa lagu riday xukun xarig ah oo gaarsiisan afar sannadood iyo lix bilood oo xarig ah, halka saddexda qof ee kalena lagu riday xukunno ah toban bilood oo xarig ah midkiiba, kuwaasina oo lagu eedeeyey fal dembiyeed xisaab xir khaldan oo culus.

Haddaba dhammaantood afarta ruuxba abiil uga qaateen xukunnadooda maxkamadda sare, midaasina oo ey uga rajo qabaan in xukunnada laga masaxo ama laga laciifiyo.
18-kii bishii nofeembar ayaa maxkamadda sare loo gudbiyey dacwadda racfaanka, iyadoona ay maxkamadda sare go’aan ku gaarto muddo bil gudaheed in dacwadda la tijaabiyo iyo in kale.

Somaliska Stockholm

Xigasho/radiosverige

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here