Home News in English Hab Cusub oo loo sugayo Amaanka Xaafadaha Rinkeby,Tensta iyo Kista oo Dowlada...

Hab Cusub oo loo sugayo Amaanka Xaafadaha Rinkeby,Tensta iyo Kista oo Dowlada soo bandhigtay

0

Guddiga maamulka ee xaafaddaha Rinkeby-Kista ayaa dubaha ku dhuftay ama go’aamiyay istaraatijad cusub oo xagga nabadgelyada ah, waxaana ka mid ah in aan loo dulqaadan dhibaatooyinka waxyeelada, waana nidaam u ek mid ka jira magaaladda New York.

Natiijadda tirakoobkii ugu dambeeyay ee soo baxay sannadkii 2017, ayaa muujinaya in nabadgelyadda xumada xaafaddaha Rinkeby-Kista iyo Spånga-Tensta ay aad u weyn tahay iyada oo xaafadaha Tensta iyo Husby, 40 boqolkiiba dadka ku nool ay sheegeen in ay dareemaan ammni daro.

Guud ahaan magaaladda Stockholm ayaa muuqaal dhammeystiran ee amni daradda waxuu yahay 7 boqolkiiba.

Istaraatijayada cusub ayaa ah mid wadajir ah oo ka hirgeleysa  Rinkeby-Kista iyo Spånga-Tensta. Ujeedada ayaa ah in si wadajir ah looga wada shaqeeyo ka hortegista rabshadaha iyo abuurid nabadgelyo inta u dhaxeysa sannadaha 2020-2025.

Shirkadaha iska leh dhismayaasha iyo qeybaha kala duwan ee ganacsiga ayaa iyaguna ka qeyb qaadan doona dadaalka hoos loogu dhigayo waxyeeladda loo geysto hantida xaafadahaasi ku yaalla.

– Qeybta kale ee istaraatijiyada ayaa ah in fekerado lagu daydo ka soo qaadano magaaladda New York, kuwaasi oo ah in aan loo dulqaadan in wax yeelo la geysto, ayuu yiri  Benjamin Dousa (M).

Somaliska Stockholm

Xigasho/radiosverigeo

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here