Home Wararka Maanta Xisbiyada Barlamaanka Sweden oo ku fashilmay xil ka qaadista Wasiirka Cadaalada

Xisbiyada Barlamaanka Sweden oo ku fashilmay xil ka qaadista Wasiirka Cadaalada

0

Waxaa loo heli waayay codka aqlabiyada in xilka lagaga qaado wasiirka cadaaladda Sweden Morgan Johansson (S) kolkii saakay aqalka baarlamanka codka kalsoonida loogu qaadey.

Xisbiyadda kala ah SD, Kristdemokraterna iyo Moderaterna ayaa doonayay in xilka laga qaado wasiirka cadaaladda ka dib markii ay sheegeen in wasiirku ku guul darreeystay wax ka qabadka dambiayada kooxaha maafiyada ee ka dhaca dalka.

Fredrik Furtenbach oo u qaadaadhiga arrimaha siyaasadda laanta idaacadda Ekot ayaa sheegay in saddex xisbi aaney ku filneeyn xilka iney ka qaadaan wasiirka, loona baahan yahay wax intaasi ka badan.

Arbacadii ina dhaaftay ayay ahayd markii xisbiga Sverigedemokraterna uu soo jiideyay in codka kalsoonida loo qaado wasiirka.

151 xildhibaan ayaa u codeysay in wasiirka la gala noqdo kalsoonida, halka 131 ka soo horjeesteen waxaana ka aamusay 57 xildhibaan sidaasi daraadeed ayaa lagu heli waayay codka aqlabiyada ee loo baahnaa in wasiirka xilka looga qaado.

Xisbiyadda Kristdemokraterna iyo Moderaterna ayaa ku taageeray soo jeedinta Sverigedemokraterna, waxayna u codeeyeen in wasiirka xilka laga qaado. Xisbiga Liberal-ka waa uu diiday halka labadda xisbi kale ee Vänsterpartiet iyo Centerpartiet ay codkooda hoosta dhigeen.

Tirada xildhibaannada baarlamanka Sweden ayaa ka kooban 349 xildhibaan. Si haddaba uu wasiirku ku waayo kalsoonida xildhibaannada, isla markaana jagada looga qaado waxaa loo baahnaa ugu yaraan 175 xildhibaan oo kalsoonida kala laabta wasiirka.

Somaliska Stockholm

Xigasho/radiosverige

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here