Home Wararka Maanta Kala bar Ardayda Norway oo yaqaana Daroogada lagu dhex isticmaalo Iskuulka

Kala bar Ardayda Norway oo yaqaana Daroogada lagu dhex isticmaalo Iskuulka

0

Afartan iyo afar boqolkiiba ardayda Noorwiijiga ah ayaa yaqaana isticmaalka daroogada inta lagu gudajiro saacadaha iskuulka, sida lagu sheegay daraasad cusub oo ka soo baxday hay’adda, Actis.

Daraasada waxaa lagu sameeyay dhalinyarada da’doodu u dhaxayso 15 ilaa 20 sano. Boqolkiiba lix ayaa sheegay inay dareemayaan badbaado la’an sababtoo ah ardayda kale ee daroogada ku isticmaala dugsiga. Boqolkiiba afar ayaa ku jawaabay inay soo heestaan Qibrad looga fogaado ardayda soo faragelinta ku haysa waxbarashadooda, sida uu sheegay VG.

“Waa wax laga walwalo in tobankiiba afar ka mid ah ay og yihiin isticmaalka daroogada inta lagu gudajiro saacadaha dugsiga,” ayay tiri ku simaha wakiilka guud ee Pernille Huseby, Actis, oo ah hay’adda iskaashatada maandooriyaha.

Waxay intaas raacisay inay ardaydu xaq u leeyihiin jawi waxbarasho oo aan daroogo lahayn. Huseby ayaa u sheegtay wargayska.

Somaliska Norway

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here