Home News in English Hadii aad dhalatay Sanadkan waxaa heleysaa Tikid lacag la’an Yurub oo dhan...

Hadii aad dhalatay Sanadkan waxaa heleysaa Tikid lacag la’an Yurub oo dhan ah

0

Hadii aad 18 jir tahay kuna nooshahay  wadamada Midowga Yurub waxaa fursad u leedahay inaad mar labaad hesho tareen bilaash ah. Guddiga Yurub ayaa qeebiyay 20,000 tikidhada tareenka oo loogu tala galay dhalinyarada.

Waxaa jira tigidyo gaar ah oo loogu safro tareenka Yurub. ku dhawaad 20,000 kun oo dhalinyaro ka socda waddamada EU-da ayaa helaya tikidhadaas oo lacag la’aan ah.

Tani waa markii afaraad ee Midowga Yurub qeybiyaan tikidhada tareenka bilaashka ah ee dhalinyarada. Tani waxay qusaysaa dadka dhallin-yarada ah ee dhashay 2001. Iyo kuwa heysta dhalashada wadamada EU-da . Codsiyada ayaa la gudbinayaa ugu dambeyn 28ka Nofeembar . Waa inaad ka jawaabtaa su’aalaha.

Midowga Yurub ayaa taas u samaynaya inuu ka caawiyo dhalinyarada inay ku dhex wareegaan oo ay bartaan waddamada kaladuwan. Fikradda ayaa ah in dhallintu ay dareemaan madax-bannaani dheeraad ah.

Halkan Riix oo Dalbo Codsiga kaarkaasi fariiga ah.

Somaliska Stockhom

Xigasho/Radiosverige qeybta Af-swidhishka

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here