Home Wararka Maanta Raisal Wasaaraha Sweden oo ka jawaabay Hadalkii Hogaamiyaha Xisbiga Liberal-ka

Raisal Wasaaraha Sweden oo ka jawaabay Hadalkii Hogaamiyaha Xisbiga Liberal-ka

0

Ra’iisal wasaare Stefan Löfven ayaa ka jawaabay hadalkii ka soo yeeray hoggaanka xisbiga Liberal-ka, Nyamko Sabuni oo ahaa in bareegga loo qabto dib u qaabeynta xafiiska shaqada, waxuuna  Löfven uu soo wadaa hindiso ah inuu kulan ka abaabulo arrinkaa.

– Waxaa socda wadahal u dhaxeeya xisbiyada. Waxaa jira hanaan wadahal oo qeyb ka ah heshiiskii Janaayo oo arrimo kala duwan looga hadlo. Waxaa jira hab raac, haddii hoggaanada xisbiyada doonayaan in arrin laga hadlana, halkaasi ayaa looga hadli karaa, ayuu yiri ra’iisal wasaaruhu.

Sida qorshaha dowladdu yahay, shirkado gaar ah ayaa la wareegi doona howlaha xafiiska shaqada ugu dambeyn sannadka 2021 balse shalay hoggaamiyaha xisbiga Liberl ka ayaa ka digtay in dib u habeynta xafiiska shaqada ay u socota si xawli ah.

Warqad ay Sabuni u qortay hoggaamiyayaasha xisbiyada Sooshaalka,  miljöpartiet iyo centerpartiet, ayay ku sheegtay in ay dooneyso in laga wada hadalo wakhtiga dib u habeynta xafiiska shaqada loo qorsheeyay.

Xisbiga Miljöpartiet ayaan maanta wax hadal ka soo saarin arrinka balse afhayeenka xisbiga Centerpartiet ee siyaasadda suuqa shaqada Martin Ådahl oo shalay hadlay,  ayaa sheegay in ay muhiim tahay in isbdelka xafiiska shaqada la meel mariyo wakhtiga loogu talagalay.

– Sannado aad u badan, dad aad u tiro yar ayaa caawinaad shaqo ka helay xafiiska shaqada, in aad u yar ayaana ku kalsoon xafiiska haddaba waa khatar in wakhti dheer la sugo, ayuu yiri Martin Ådahl.

Somaliska Stockholm

Xigasho/radiosverige

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here