Home News in English Nadiya oo ku guuleysatay Doorasho ka dhacday Dalka Mareykanka

Nadiya oo ku guuleysatay Doorasho ka dhacday Dalka Mareykanka

0

Nadiya oo ah 23 jir bisha December ee soo socota ka qalin-jabin doonta jaamacadda ayaa noqotay qofki ugu horreeyay ee Muslim ah, Soomaali ah oo ka mid noqda Golaha Deegaanka ee magaalada St Louis Park.

Nadiya ayaa sheegtay inay aad ugu faraxsan tahay doorashada ay kusoo baxday oo ay dad badan caawin ka heshay,waxana ay sheegtay in guusha ay gaartay ay sababteeda tahay in dadku ay ogaadeen inay daacad tahay.

Dhinaca kale Waxaa isna xubinnimada Golaha Deegaanka ee magaalada Fridley ee gobolka MN ku guuleystay, Cabdisalam Aaden oo ka mid ah jaaliyadda Soomaalida ee magaaladaasi.

Sidoo kale Soomaalida guuleysatay waxaa ka mid ah Safiya Khalid oo ah gabar Soomaaliyeed, taasoo noqotay Soomaaligi ugu horreeyay oo ku guuleysta xubinnimada golaha deegaanka ee magaalada Lewiston ee gobolka Utah ee dalkaan Mareykanka.

Dalka Mareykanka ayaa waxaa uu kamid yahay wadamada ugu badan ee dadka Soomaalida qaxootiga ah ay jagooyin sar sare ay ka qabtaan.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here