Home Wararka Maanta Isbadalka lagu sameenayo Xafiiska Shaqada ee Arbetsförmedlingen oo Dhaleeceen loo jeediyay

Isbadalka lagu sameenayo Xafiiska Shaqada ee Arbetsförmedlingen oo Dhaleeceen loo jeediyay

0

Wasiirkii hore ee dhaqaalaha Anders Borg ayaa dhaleeceeyn ballaaran dusha uga tuuray qorshaha dib u habeeynta xafiiska shaqada – Arbetsförmedlingen.

-Waa qorshe aan si dhab ah looga fekerin, isla markaana wuxuu horseedayaa dhibaatooyin badan, sida uu hadalka u dhigay.

Qorshaha dib u habeeynta howlaha xafiiska shaqada ayaa ka mid ahaa heshiiskii jannaayo ee 34-ka qodob ka koobnaa. Haddii la soo koobo wuxuu ka dhigan yahay in shirkado gaar loo leeyahay gacanta loo geliyo masuuliyadda isku aadinta iyo shaqa geeynta shakhsiga shaqada raadineya, middaasina oo iminka uu gacanta ku hayo xafiiska shaqadu.

Dawladdu waxay sidoo kale baaris u saartay sidii loo eegi lahaa in maamullada degmooyinku la wareegaan howlahaa, goobaha aaney shirkadaha mulkida loo leeyahaayi aaney ka jirin. Waana arrin uu dhaleeceeneyo Anders Borg.

-Sideedaba waa arrin aan wanaagsanayn in howshan masuuliyad degmada loogu saaro, sababtoo ah, maadaama habka aannu maanta leenahay ee adeegga bulshada iyo taageerada ceeydha uu hakin lahaa dhaqdhaqaaqa suuqa shaqada.

-Xafiiska shaqada goolkiisu wuxuu ahaa in qofku u dhaqaaqo ama u socdaalo goobta shaqadu ka jirto.

-Haddiise gacanta loo geliyo degmada waxaa la geleyaa khaladkii ugu waynaa. Maadaama nidaamyada isku dheeli tirka dhaqaale iyo taageerada dhaqaale ee ceeydha oo dadku ay ku xanibmayaan degmooyin aanay ahayn inay sii joogaan.

-Waa nidaam si xun looga fekerey, si aan habbooneyn loo hir geliyey asalkiisubana aanu hagaagsanayn. Xafiiska shaqadu waa inuu masuuliyad guud ee dalka oo dhan qaadaa, sida uu sheegay Anders Borg oo wareeysi ay la yeelatay laanta idaacadda P1 morgon.

Somaliska Stockholm

Xigasho/radiosverige

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here