Home News in English Maxkamada Sare ee Socdaalka oo Dhalashada Sweden siisay Hooyo Somaliyed oo horey...

Maxkamada Sare ee Socdaalka oo Dhalashada Sweden siisay Hooyo Somaliyed oo horey loogu diiday

1

Maxkamada sare ee socdaalka Dalka ayaa go’an ka gaartay hooyo somaliyed oo horay loogu diiday Dhalahsada Sweden kadib markii ay buuxisay sharuudaha qaadashada Basaboorka oo ah 8 sano.

Hooyada Somaliyed ayaa kala caddeeyn kari wayday da’deeda dhabta ah. Iyadoona kala qoratay laba dhalasho oo kala duwan sannadkii 2005 oo ey viise deggenaansho qaraabo dalka dibaddiisa kaga soo codsatay iyo sannadkii 2009 oo ay dalka magan gelyo ka dalbatay.

Wakaaladda socdaalka ayaa 15-kii bishii jannaayo 2019 dalabkii dhalshada Sweden ee haweenayda cirka ku laaday iyadoona ay wakaaladdu ku andacootay in aanay xaqiijin da’deeda, isla markaana aanay jirin sabab il gaara ah loogu eego, isla markaana waxaa go’aankaa mid la mid ah gaartay maxkamadda socdaalka.

Hase yeeshee maxkamadda sare ee socdaalku qaadatay go’aan midkaa ka duwan iyo in haweenaydaasi xaq u leedahay in la siiyo dhalshada Sweden, lagana daayo shuruudda ah xaqiijinta aqoonsigeeda, maadaama ay sameeysay wax walba oo awooddeeda ku xiran sidii ay ku caddeeyn lahayd.

Maxkamadda sare ee socdaalka ayaa caddeeysay in shaqadii diyaarinta ee sharciga muwaadinimada ay cadeyneyso suurtagalnimada in shuruudaha aqoonsiga la caddeeyo ugu horreyn laga daayo dadka iyagu aan haysan fursad ay ku caddeeyaan aqoonsigooda, tusaale ahaan waddammada uu nidaamkoodii buburey ama aan jirin.

Iyadoona ay maxkamadda sare ee socdaalku ula muuqatay in qiimeeynta guud ay haweeneeydaasi soo ban dhigtay sharraxaad la aqbali karo sababta ay da’aha kala duwan u sheegatay,iyadoona ku macneeysay in aan soomaaliya laga qiimeeyn da’da dhalashada, isla markaana loo dabaal degin, sidaa daraadeedna looga qaado shuruuddaasi. Dhanka kale waxay maxkamaddu caddeeysay inay haweenaydu soo buuxisay dhammaan shuruudihii kale sida ka dhowrsanaanta dembiyada iyo dhammaan shuruudihii kale ee qodobka 11 § ee xeerka dhalshada dalka u degsan.

somaliska Stockholm

Xigasho/radiosverige

AD

1 COMMENT

  1. Asc bahda somaliska waan ku faraxsanahay hooyadaa somaliyed ee loo ogolaaday sharciga dhalashada waxan daganahay jarmalka swden waa dal aad uwanagsan dhanka garashada jarmalka asagoo og in nidaamkii Somalia burburay ayuu hadna kugu adken lasoo taaganyahay maba aqbalayno dukmenti soomaali ah xataa dadka qaar ayaa DNA walaalkod ama walshii kasoo qada qaarna way aabalan qaarna way diidaan marka swden waa Top

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here