Home Wararka Maanta Norway Maxkamada Oslo oo Xukun Tarxiil ah ku riday wadaad Caan ah

Norway Maxkamada Oslo oo Xukun Tarxiil ah ku riday wadaad Caan ah

0

Maxkamada Degmada Oslo ayaa ugu danbeyn xukun tarxiil ku riday Wadaadka Mullar Krekar oo asal ahaan kasoo jeeda Dalka Ciraaq kaasi oo loo tarxiilayo wadanka Taliyaaniga.

Xukunka Maxkamada ayaa yimid kadib markii Dowlada talyaaniga ay soo dalbatay ninkaasi oo loo heesto Danbiyo la xiriira dhanka Argigixisada.

Dhawaan ayaa Maxkamad ku taalla Dalka Taliyaaniga waxay wadaadka ku xukuntay 12 sano oo xabsi ah taasi oo keentay in ay Dowlada norway ka dalbato soo gacangalinta wadaadkaasi.

Mulla Krekar oo ka hadlay Maxkamada ayaa codsaday in Taliyaaniga aan loo gacangalinin madama ay u celinayaan Dalka Ciraaq halkaasi oo lagu xukumay Dil toogasho.

Wadaadka ayaa hogaamiye u ahaa koox mujaahidiin ah kuwaasi oo ka dagaalamay Dalka Ciraaq sanadihii sideetamaadkii.

Somaliska Oslo

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here