Home Wararka Maanta Sharci Cusub oo Sigaarka iyo Tobaakada oo maanta dhaqan galaya

Sharci Cusub oo Sigaarka iyo Tobaakada oo maanta dhaqan galaya

0

Laga bilaabo kowda november waxaa laga doonayaa dukaamada in ay dalbadaan oggolaansho ay ku iibiyaan sigaarka iyo tubaakada.

Sharciga tubaakada ee dhaqan gelay ee kowdii bishii Luulyo, ayaa dhaliyay isbedelo badan oo ay ka mid yihiin in sigaar aan lagu cabi karin banaanka maqaayadaha ee la fariisto iyo alabaabada laga gelo dhismayaasha iyo in la dalbado ruqsad kolka la doonayo in sigaar iyo tubaako la iibiyo.

Lennart Nilsson waa mas’uul wax ka qabta arrimaha la xiriira ka ganacsiga tubaakada ee degmada Karlskrona.

– Berigii hore, qofka waxaa keliya uu u baahnaa in uu soo sammeeyo wargelin ah in uu iibiyo sigaar, balse hadda waa in uu soo codsado ruqsad, ayuu yiri Lennart Nilsson.

Lacagta la raaciyo codsiga ka ganacsiga sigaarka iyo tubaakada, ayaa waxaa go’aan ka gaaraya degmooyinka.

Galbeedka gobolka Blekinge iyo Karlskrona waa sideed kun oo karoon halka degmada ugu qaalisanaee Ronneby ay tahay 12 kun oo karoon.

Keliya ma ahan ruqsad uun dalbo, ee sidoo kale waxaa jira baaritaan loo dirayo hay’adda canshuuraha iyo booliska si loo ogaado diiwaankiisa dambiga ee qofka.

Artur Duka waa qof ka ganacsada tubaakada iyo sigaarka.

– Waa ay adag tahay in la codsado kolka lala barbardhigo labo sano ka hor. Ilama ahayn in qarash ku baxayo keliya waa la codsan jiray balse hadda waa dhib iyo waraaqado badan, ayuu yiri Artur Duka.

Inta badan dukaamada ku yaalla gobolka Blekinge ee iibiya tubaakada, kuwa waaweyn iyo kuwa yar yar ayaa intaba dalbaday ruqsada balse labo iyo toban ayaa diiday in ay codsadaan joojiyayna ka gacansiga sigaarka iyo tubaakada halka 28 na aysan weli codsan.

Somaliska Stockholm

Xigasho/radiosverige

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here