Home News in English Xubno ka tirsan Xisbiga Moderaterna oo kasoo horjeestay Mamnuucida Xijaabka

Xubno ka tirsan Xisbiga Moderaterna oo kasoo horjeestay Mamnuucida Xijaabka

0

Isbuucaan xisbiga Moderater-ka ayaa
yeeshay kulan weyn kulankaasi oo warbaahinta gudaha hadal heyso Siyaasiyiin ka kala yimid daafaha dalka ayaa kulanka u yimid inay go’aan ka gaadhaan siyaasada xisbiga.

Xisbiga ayaa ka hadlay mamnuucidda xijaabka. Taasi oo khuseesa gabdhaha dhigta iskuulada ku yaal Sweden Qodobkan ayaana noqday midka warbaahinta sida gaarka uga hadashey.

Siyaasiyiinta Moderat-ka Ayaana isku raacsaneen arintan. Qaar kamid ah ayaa aaminsan in qalad tahay in gabdhaha laga mamnuuco inay xirtaan xijaab. Laakiin in ka badan kalabar ayaa doonayay inay
baaraan mamnuucista lasoo jeediyay

Qaar badan oo ka mid ah qorshayaasha xisbiga  waxay ahaayeen kuwa ku saabsan soogalootiga. Xisbiga  ayaa dhanka kale  raba in dad badan lagu qasbo inay ka baxaan Sweden Hadii  ay galaan dambiyo.

Sharciga hada ayaa dhigaya in dadka galay dembiyada culus Laga masaafurin karo Dalka .
Lakin M  ayaa doonaya in xitaa kuwa galay dambiyada yar yar  Laga masaafuriyo Dalka.

Somaliska Stockholm

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here