Home Wararka Maanta Somaliska Wiil Somali ah oo lagu dilay Magaalada Plauen ee Wadanka Germalka

Wiil Somali ah oo lagu dilay Magaalada Plauen ee Wadanka Germalka

0

Meydka muwaadinka Soomaaliyeed ayaa waxaa laga helay magaaladda Plauen ee gobolka Sachsen ee wadanka Jarmalka,waxaana uu u geeriyooday dhaawac kasoo gaaray tooreey lagu dhuftay.

Booliska Jarmalka ayaa waxaa ay sheegeen in Wiilka Soomaaliyeed oo ay tuhuhsan yihiin in uu ka dambeeyo dilkiisa Shaqsi kale oo Soomaali ah.

Sidoo kale dad yaqaanay wiilka la dilay ayaa iyana waxaa ay sheegeen in dilkiisa uu ka dambeeyey wiil kale oo saaxiibo ay ahaayeen,isla markaana inta badan ay wada socon jireen.

Weli lama shaacin Magaca Wiilka Soomaaliyeed ee Jarmalka lagu dilay iyo Shaqsiga ka dambeeyey dilkiisa,hayeeshee Booliska dalkaas ayaa waxaa ay sheegeen inay ku raad joogaan qofkii ka dambeeyey.

Si kastaba inta badan Soomaalida ku nool qaar kamid ah wadamada Caalamka ayaa waxaa ay la kulmaan dilal joogto ah,waxana dilalkii ugu dambeeyay ay ka dhaceen dalalka Ingiriiska Jarmalka iyo koonfur Afrika.

Somaliska Germany

Info@somaliska.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.