Home Wararka Norway Dadka ceerta qaata Lacag uma diri karaan Dalkooda Somaliya (FRP)

Dadka ceerta qaata Lacag uma diri karaan Dalkooda Somaliya (FRP)

0

Xisbiga FRP ee Dalka Norway ayaa soo jeediyay in Lacagta ceerta laga jaro dadka qaata lacagtaasi ee kadib u dira Dalkooda Hooyo kadib markii Joornalka NRK uu sheegay in kala bar sanadkan loo diray Dalka Somaliya 280 million.

Hogaamiyaha Xisbiga FRP ahna Wasiirka Dhaqaalaha Dalka Norway Siv Jensen ayaa sheegtay in Dadka qaata Lacagta sooshiyaalka ee loo yaqaano ceerta ay diraan lacagta loogu tala galay Xaanada Caruurta ay dhaleen.

Waxay intaasi ku dartay in Caruur badan ay baahi ugu noolyihiin Norway xili lacagtooda loo diro Dalal kale taasi oo lagu tilmaamay in lagu caawiyo Qaraabo iyo dad kale oo baahi heyso.

Hadalka Wasiirada dhaqaalaha Norway ayaa ku soo aadeysa Warbixin lasoo saaray dhawaan oo lagu sheegay in boqolkiiba 52% mareyso lacagta loo diro somaliya halka markii hore ay mareysay 42% boqolkiiba.

Hadii Dadka qaata Lacagta Ceerta loo diido in ay Dalkooda u diraan Lacag waxaa taasi ay keeni kartaa in Somali badan ay saameen ku yeelato kuwaasi oo ehelkooda Caawiya.

Somaliska Oslo

Xigasho/Nettavisen qeybta Afka Norwejiga

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here