Home News in English Turkiga oo Yurub ugu hanjabay in uu soo fasaxayo Qaxootiga Suuriya

Turkiga oo Yurub ugu hanjabay in uu soo fasaxayo Qaxootiga Suuriya

0

Dowlada Turkiga ayaa shaaca ka qaaday in ay soo fasaxeyso Qaxootiga suuriya oo gaaraya 3 Milyan hadii Midowga yurub uu kasoo horjeesto Hawlgalka Turkiga ka bilaabay Waqooyiga Suuriya.

Hanjabaada Turkiga ayaa timid kadib markii Midowga yurub ay kasoo horjeesteen Hawlgalkaasi uu turkiga ka bilaabay Waqooyiga Suuriya halkaasi oo ku suganyihiin kooxaha Kurdiyiinta YPG.

Madaxweynaha Turkiga oo khudbad u jeediyay Xisbigiisa AKP Parti ayaa wacad ku maray in uu ooda kasoo qaadayo Qaxootiga Suuriyaan ee ku sugan dalkaasi hadii Hawlgalkaasi laga soo horjeesto.

Sanadkii 2015 ayay aheyd markii Turkiga uu fasaxay Qaxootiga suuriya xiligasi oo Midowga yurub ka qeeliyeen Qaxootigaasi taasi oo keentay in markii danbe turkiga la siiyo lacag dheeraad ah si qaxootiga loo hakiyo.

Somaliska Stockholm

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here