Home Wararka Denmark Denmark oo baaritaan ka bilaabeysa Xuduuda ay la wadaagto Sweden

Denmark oo baaritaan ka bilaabeysa Xuduuda ay la wadaagto Sweden

0

Wasiirka cadaaladda dalka Danmark, Nick Hækkerup ayaa shir jaraa’id shaaca kaga qaaday in laga bilaabo 12-ka bisha nofeember baaritaanno laga hir gelin doono xuduudda uu dalkaasi la leeyahey Sweden.

Wasiirka ayaa go’aanka dawladdiisa ku sababeeyay waxyaabo ey ka mid yihiin qaraxyadii muddo iminka laba bilood ku dhowaad laga joogo ka dhacay magaalada Kobenheegan ee dalka Danmark, eyna ka dambeeyeen ama lala xiriirineyo muwaadiniin iswiidhish ah.

– Waxaa noo muuqda falal argagax leh ee ka dhacaya Sweden sannadihii la soo dhaafey, kuwaasina oo isugu jirey qaraxyo iyo dembiyo kale oo cul culus. Mana dooneeyno iney dalka Danmark u soo gudbaan, sida uu sheegay.

Mar uu saxafiga idaacadda Sweden uga soo warrama dalka Danmark, David Rasmusson su’aal ku weeydiiyay wasiirka shirkiisii jaraa’id iyo inta ay le’eg tahay saameeynta uu u maleeynayo waxyaabaha ka dhaca Sweden ey ku yeeshaan Danmark, ayuu wasiirku ku jawaabay.

– In aannu garaneyn, hase yeeshee u muuqatay in qaraxii lala beegsaday hayadda canshuuraha Danmark xiriir toos ah la lahayd dalka Sweden, sida uu sheegay Nick Hækkerup.

Somaliska Copenhegan

Xigasho/radiosverige

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here