Home Wararka Maanta Maamulka Iskuulada Al-Azhar oo lagu Amray soo celinta 1.1 Milyan oo Lacag...

Maamulka Iskuulada Al-Azhar oo lagu Amray soo celinta 1.1 Milyan oo Lacag ah

0

Go’aan ka soo baxay hayadda hoggaanka iskuullada – Skolverket ayaa lagu amray hoggaanka ururka sama falka dugsiyada Al-azhar ee magaalada Örebro, xaafadda Vällinby iyo sidoo kale shirkadda Edinit AB oo hoos timaada ey dib u soo celiyaan dhaqaale gaarsiisan 1,1 malyan oo koron, sida hayaddu ku qortay boggeeda.

Hayadda hoggaanka iskuullada ayaa go’aansatay qaboobihii ina soo dhaafay inay baaris qoto dheer ku sameeyso, iyadoona ay ka soo baxeen khaladaad qoraalladii diwaannada, waana sababta keentay in dib looga dalbado dhaqaalahaa.

– Waxaannu xoogga saarney in aannu dabagal ku sameeyno taageeradii dhaqaale ee loogu talo galey macallimmiinta qaar ka mid ah, waxa loo yaqaanno dalacaadda mushaarada. Waxaannu dib u eegney illaa iyo sannadkii 2015.

Saddexda qaybood ee iskuulka ayaa muujin kari waayey in taageeradaa dhaqaale loo isticmaaley habkii loo qorsheeyey, waana sababta dib loogu amray iney dib hayadda ugu soo celiyaan dhaqaalahaa, sida uu sheegay Andreas Spång, madaxa laanta taageerada ee hayadda hoggaanka iskuullada.

Somaliska Stockholm

Xigasho/radiosverige

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here