Home News in English Xisbiga Neceb soo galootiga ee SD oo kaalinta Labaad kasoo galay Xisbiyada...

Xisbiga Neceb soo galootiga ee SD oo kaalinta Labaad kasoo galay Xisbiyada Sweden

0

Xisbiga soo galooti diidka ah ee Sverige Demokraterna ayaa noqday xisbiga 2-aad ee ugu wayn Sweden, sida ku cad sahan cusub oo ay Novus u sameeysay hilinka SVT. Xisbiga SD ayaa sidoo kale noqday xisbiga 1-aad ee raggu xiiseeyaan.

SD ayaa sahankan ka helay 20.7%, taasoo 2.3 boqolkiiba ka badan qiimayntii hore, waxaana kaliya ka horreeya Xisbiga Social Demokraterna oo urursaday 24.7%.

SD ayaa sidoo kale aad ragga usoo jiitey, waxaana taageersan 26.6%, halka Social-ku ay codadka raga ka heleen 22.4%, taasoo in aad u yar ka badan Moderat-ka oo kasbaday 22.1%.

Dhanka haweenka aad bay ugu liitaan oo waxaa SD taageeray 14.7%, taasoo aad uga hooseeysa  Social-ka oo ah 26.9%, halka uu M helay 18.6%. Waxaa qiimayntan la sameeyay intii u dhaxaysey 26-kii Agoosto 26 ilaa 22-kii bishan Sebtember.

Somaliska Stockholm

Xigasho/radiosverige

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here