Home Wararka Maanta försäkringskassan oo Adkeeneysa Lacagta la siiyo waalidiinta

försäkringskassan oo Adkeeneysa Lacagta la siiyo waalidiinta

0

Hayadda caymiska qaran ee lagu magacaabo Försäkringskassan ayaa adkeeyn doonta howlaheeda dul kala socodka ee dhaqaalaha gunnada waalidka la siiyo kolka ilmuhu xanuunsadaan.

Iyadoona ey magaalada Skelefteå ka howl geli doonaan koox baaritaanno kedis ah ku sameeyn doonta howlahaa. Alexandra Wallin, waa madaxa laanta caymiska ee dhallaanka iyo qooysaska ee hayaddal.

– Waxaannu ogsoonnahey iney jiraan dhaqaale gunno ee khalad loo siiyo waalidiinta, kolka ilmuhu ka xanuunsadaan oo ey guryaha la joogaan. Howshayaduna, hayad ahaan waxay tahay iay gunnada ey xaqa u leeyihiin gaarto waalidka xaqa u leh.  Iyadoo hadalkeedii sii wadatana sheegtay in khaladaad ey ka muuqdaan boqolkiiba toban kiisaska gunnada waalidiinta la siiyo kolka ilmuhu ka xanuunsan yihiin, sida ay sheegtay mar uu warreeysi la yeeshay Simon Andrén, oo ka howl gala laanta wararka Ekot.

In la kordhiyo kontroollada lagu sameeyo howlahan ayaa u sahlaya in waalidku horraantaba soo dalbadaan ama helaan gunnada ey xaqa u leeyihiin. Waayo way ka sahlan tahay in horay loo saxo khaladaadka inta aan gunnada la bixin, sida ay sheegtay.

-Khaladaadka dhaca ayaa isugu jira ku talo gal iyo qaar kama’ba ah. Waa mid waalidiinta aannu ka caawineeyno haddey khaladaadku yihiin kuwo gama’ ah. Iyada oo la joojiyo dirista lacagtaasi, si hadhow looga baxsado inay qaan ku noqoto oo dib loo soo celiyo, sida ay sheegtay Alexandra Wallin, madaxa laanta ceeymiska waalidiinta iyo dhallaanka.

Hayadda ceeymiska qaran ayaa iminka baaritaannadaa ku sameeya mashiinno iyo dabadeed kolka gunnada la bixiyey.

Somaliska Stockholm

Xigasho/radiosverige

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here