Home Wararka Maanta Xisbiga Moderaterna oo Dowlada ku riixaya Fakarkiisa Siyaasadeed ee Kooxaha Dambiyada geesta

Xisbiga Moderaterna oo Dowlada ku riixaya Fakarkiisa Siyaasadeed ee Kooxaha Dambiyada geesta

0

Xisbiga mucaaradka ah ee Moderaterna ayaa iminka raadinaya inay aqlabiyad ka helaan Baarlamanka si ay u keenaan hindise ay iyagu xisbi ahaan leeyihiin oo ka dhan ah kooxaha sameeya dembiyada abaabulan ee gaangiska.

Tillaabadan oo aan ahayd mid caadi ah ayaa imanaysa kaddib markii ay xisbiyadu isku raaci waayeen inay xeer jajab siyaasadeed arrintan kala gaaraan dowladda. Ulf Kristersson oo ah hoggaanka Xisbiga Moderaterna ayaa shir jaraa’id saaka qabtay.

– Waxaan qabaa in ay jirto aqlabiyad baarlamaani ah oo ballaaran si horay loogu socdo oo go’aanno adag loo gaaro, waxaana doonaynaa in aanu aqlabiyaddaa ka raadinno dhanka Guddi Hoosaadka Cadaaladda, arrintani war iyo baaritaan uun uma baahna balse waa mid nala guddboon oo wax ka qabasho u baahan, ayuu yiri.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here