Home Wararka Maanta Rinkeby Booliska oo sheegay in kooxaha Daroogada iibiya laga wareejiyay Goobaha Tareenada

Rinkeby Booliska oo sheegay in kooxaha Daroogada iibiya laga wareejiyay Goobaha Tareenada

0

Mudo dhoor sano Xaafada Rinkeby qeybta laga Raaco tareenada waxaa ka jiray dhibaato ay qabaan Dadka Shacabka ah madama halkaasi lagu iibiyo Daroogada.

Booliska Sweden ayaa hada ku guuleestay in Goobaha Stationka Rinkeby iyo Dhulka hoose ee Tareenka laga joojiyo Kooxaha sida hoose ugu iibiya daroogada sida uu warbixin ku soo bandhigay Talafashinka SVT.

Talafashinka ayaa dhanka kale Shaaca ugu qaaday warbixintiisa in Kooxahan ay wali iibiyaan Daroogada iyagoo u wareejiyay dhanka Xaafadaha la daganyahay.

Dad badan oo isticmaala Stationka Tareenka ayaa booliska ugu mahadceliyay Howshaasi madama ay dhibaato ku qabeen kooxahan iibiya daroogada iyadoo mararka qaar isla goobta lagu cabo.

Warbixin dhawaan lasoo saaray ayaa lagu sheegay in labadii sano ee ugu danbeesay ay kordheen boqolkiiba 60 dambiyada ka dhaca Nawaaxiga järva.

Ma dareentay Shaqadaasi hadii aad Rinkeby ku nooshahay?

Somaliska Stockhom

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here