Home News in English Norway oo Somalida u sharaxday qaabka Basaboorka Somaliga u aqoonsadeen looguna soo...

Norway oo Somalida u sharaxday qaabka Basaboorka Somaliga u aqoonsadeen looguna soo gali karo Dalkeeda

0

shalay Caasimada Oslo ee dalka Norway waxaa ka dhacay kulan muhiim ah oo u dhaxeeya somalida ku nool dalka norway iyo Hay’ada dhanka qaxootiga u qaabilsan dalka ee UDI kulankaasi oo diirada lagu saaray qodobada muranka ka taagan ee u dhaxeeya Hay’ada iyo Qaxootiga Somalida.

Hay’ada UDI ayaa kulanka ugu horeen ku soo bandhigtay Qodobada looga doodayo ee Somalida cabashada ka tagay waxana qodobada badankooda ay ahaayeen kuwa horay looga dooday kulankii ka horeeyay midka hada dhacay.

Qodobka ugu weeynaa ee dooda badan keenay ayaa ahaa Aqoonsiga Basaboorka Somaliga oo Qaxootiga somalida aad uga cabteen sida Dowlada Norway u aqoonsatay.

UDI iyo Basaboorka Somaliga.

gudiga ka socday UDI ayaa somalida u sheegay in ay aqoonsanyihiin Basaboorka Somaliga marka ay timaado dhanka safarka iyadoo looga bixi karo Norway isla markana lagu soo gali karo hadii qofka uu heesto ogolaansho ama Deganaansho Norway ah.

UDI waxay intaasi ku dartay in marka ay timaado cadeenta qofka in uu yahay somali aysan ku filneen Basaboorka madama aysan jirin keyd iyo tixraax uu leeyahay Basaboorka Somaliga.

Hay’ada ayaa intaasi ku dartay in Qofka uga baxaya Basaboorka Somaliga gudaha Norway isla markana uu tagi karo Somaliya isagoo iska hubinaya wadama uu marayo hadii ay aqoonsanyihiin iyo hadii kale.

Hadalka Dowlada Norway ayaa ku soo aadeysa iyadoo dhawaan dowlada ay dadka somalida ku soo rogtay qaadashada basaboorka Soamliga gaar ahaan dadka heesta basaboorka baluuga ee sharciga ku helay bini’aadantinimada iyo dadka kale ee dalbanaya dhalashada norway.

Somaliska Oslo

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here