Home Wararka Maanta Xukun lagu riday Haweeney 70 sano jir ah oo Ninkeeda Dishay

Xukun lagu riday Haweeney 70 sano jir ah oo Ninkeeda Dishay

0

Maxkamadda degmada Uddevalla ayaa ku xukuntay haweeney 70 jir ah in ay geystay dil kama’ ah ka dib oo ay u geeysatay duqeedii.

Haweeneydan ayaa iyada qudheedu dhaawacyo mindi isugu geeysatay halbowlaha gacmaha balse aan u dhiman dhaawacyada ka soo gaarey.

Bishii Abriil ee sannadkan ayay ahayd markii booliska looga yeeray bartmaha magaalada Lysekil oo ahayd goobta ay ku noolaayeen haweeneydan iyo seygeeda.

Haweeneyda maanta lagu xukumy labada sano ayaa u sheegtay maxkamadda in iyada iyo ninkeeda ay qorsheeyeen in ay is dilaan ka dib markii ay ku qanci waayeen daryeelka cafimaad ee loogu fidinaayay guriga maadaama ninkeedu uu qabay xanuuno fara badan.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here