Home News in English Xafiiska Shaqada ee Arbetsförmedlingen oo loo kordhiyay Lacagta Miisaaniyada ee hore

Xafiiska Shaqada ee Arbetsförmedlingen oo loo kordhiyay Lacagta Miisaaniyada ee hore

0

Shir jaraa’id oo ay wada jir u qabteen wasiirka maaliyaddda Magdalena Andersson (S) iyo wasiirka suuqa shaqada Eva Nordmark (S) ayey ku soo ban dhigeen miisaaniyad gaarsiisan 1,3 bilyan oo koron oo loo qoondeeyey howlo ay ka mid yihiin tusaale ahaan 400 oo malyan oo loo qoondeeyey shaqooyinka dheeriga ah iyo howlaha u soo ban dhigga – extratjänster iyo introduktionsjobb.

Labada wasiir ayaa ku macneeyey is bedel lagu sameeyey dhabbadii lagu socday, maadaama miisaaniyaddii ay 2018 go’aamiyeen xisbiyada M, KD hoos u dhigtay miisaaniyaddii howlaha suuqa shaqada.

– Miisaaniyaddii 2019 howlaha shaqada loo qoondeeyay waxay ahayd mid lagu dhimey howlihii aqoon kororsiga ee suuqa shaqada, sida ay sheegtay Eva Nordmark.

Wasiiradda ayaa intaa raacisay in miisaaniyadda xafiiska shaqada loo qoondeeyey ay tahay mid lagu joojineyo hoos u dhigistii miisaaniyadda.

– Wa muhiim in loo suurto geliyo sidii ey suuqa shaqada ku soo geli lahaayeen dadka dhowaantan dalka yimid iyo kuwa suuqa shaqada ka maqnaa muddo dheer, sida säger Nordmark.

Miisaaniyaddan dheeriga ah ayaa la fileyaa iney ku fillaan doonto 2 200 oo qof.

Halka qaybta miisaaniyadda ee loo qoondeeyey wax barashadu tahay 281 malyan oo koron, middaasina oo la qiyaaseyo iney ku fillaan doonto illaa 1 000 kursi oo wax barasho.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here