Home Wararka Maanta Arbetsformedlingen :- Haweenka ayaa raga kaga badan shaqo la’anta Suuqa Shaqada

Arbetsformedlingen :- Haweenka ayaa raga kaga badan shaqo la’anta Suuqa Shaqada

0

Tira koob cusub oo ay saaka soo saartay hayadda suuqa shaqada ayay ka muuqataa in bishii labaad ay kor u kacday shaqa la’aantu. Waana markii ugu horreeysay in muddo ah oo shaqa la’aanta haweenku ka badatay midda ragga.

Annika Sundén, madaxa laanta saadaalinta AF:

– Waa bishii labaad oo shaqa la’aantu kor u sii kaceeyso, sida ay sheegtay Annika Sundén, mar ay warreeysi siisay Anders Jelmin oo ka howl gala laanta wararka Ekot.  Annika Sundén oo hadalkeedii sii wadata ayaa sidan u sababeeysay kor u kaca shaqa la’aanta:

– Waxay ku saabsan tahay kobicii dhaqaalaha oo gaabis galay. Horraantii si tartiib ah ayay shaqa la’aantu hoos ugu dhaceeysay, bishii hore ayay kor u kacday, iyadoo bishanna xoogaa kor u sii kacayso.

Is bedelka suuqa shaqada ayaa iminka la xaqiijiyey. Iyadoona shaqa la’aantu bilowday inay kor u kacdo dhammaan gobollada, marka laga yimaado gobollada Östergötland, Kalmar, Halland iyo Västerbotten.

Gabagabadii bishii agoosto ayey shaqa la’aan ku sugnaayeen tiro gaarsiisan 350 000 oo qof waana tiro 8 000 ka badan marka loo barbar dhigo isla bishaa sannad hortii. Waxayna kor u kacday 0.1% illaa 7% halka ay ka ahayd 6,9%.

Horraantaba waxay asiibtay dadyoowga leh tacliinta hoose ama aan laheyn waayo aragnimo shaqo, sida ay sheegtay hayadda xafiiska shaqadu – Arbetsförmedlingen. Waana markii ugu horreeysay illaa iyo sannadkii 2011 ay shaqa la’aantu kaga badan tahay haweenka kolka loo barbar dhigo ragga, sida ay sheegtay madaxa laanta saadaalinta ee AF Annika Sundén.

– Inta badan waxaa laga hadleyaa haweenka ku dhashey dalka dibaddiisa iyo kuwa ku dhashay waddammada Yurub ka baxsan. Qaar badan oo ka mid ah waxey dalka yimaadeen intii u dhexeeysay 2015-2016, sidoo kale waxaa jira koox muddo dalka ku sugnayd.

In haweenku shaqa la’aanta kaga fara bataan ragga ayuu xafiiska shaqadu ku macneeyay in uu yaraaday suurtagalkiisii inuu u diro shaqooyinkii dheeriga ahaa.

Inuu suuqa shaqadu ku adag yahay haweenka dalka dibaddiisa ka soo jeeda ayay ka markhaati kaceeysaa Jwan Tawfik oo ka soo jeedda dalka Ciraaq. Waxay Sweden timid muddo iminka laga joogo 24 sannadood.

– Wax shaqo ah ma hayo. Waxaan tagaa xarunta Jobbtorget iyo xafiiska shaqada AF, sida ay sheegtay mar ay wareeysi la yeelatay Nishtman Irandoust oo ka howlgasha laanta kurdiga ee Raadiyaha Sweden.

Waa sidee xaaladdu marka. Wax shaqo ah ma haysaa?

– May, dhowr jeer ayaan praaktiik tagay, ma adka. Waxay ku xiran tahay oo kale nooca shaqada. Mararka qaarkood waa shaqo culus, middaasina oo ragga u sahlaysa iney shaqo helaan, sida ay sheegtay.

Xitaa haddii ey shaqadii ka dhammaatey bishii agoosto 1 800 oo qof ayaa weli lagu tirineyaa inuu suuqa shaqadau adag yahay, hase yeeshee uu wakhti culus soo socdaa.

– Hakadka xawli ee dhaqaalaha ee iminka la galey wuxuu saameeyn ku yeelan doonaa shaqa la’aanta oo kor u kacda xoogaa., sida ay sheegtay Annika Sundén.

Somaliska Stockholm

Xigasho/radiosverige

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here