Home News in English Stefan Löfven oo ka hadlay Kooxaha Gangiska ee dilalka ka geesta Sweden.

Stefan Löfven oo ka hadlay Kooxaha Gangiska ee dilalka ka geesta Sweden.

0

Raisal Wasaaraha Sweden oo la hadlay Barlamaanka ayaa ka hadlay dhibaatada Kooxaha Gangiska ka geestaan Dalka Sweden iyo sida Dowlada Wax uga Qabaneyso.

Stefan ayaa Barlamaanka u sheegay in Rabshadaha Gangiska ay tahay arin ka hor imaaneysa Dimuquraadiyada Sweden lakin ay ku dadaalayaan sidii loo joojin lahaa.

Waxa uu intaasi ku daray in ay waqti qaadaneyso joojinta Kooxahan lakin Dowlada ay ku dadaaleyso wax ka qabashadooda.

Stefan ayaa dhanka kale soo hadal qaaday Dhanka Cimilada isagoo ku sheegay in taasi ay tahay muhiimada Dowladiisa sidii loo joojin lahaa Saliida Gaaska.

Hadalka Raisal Wasaaraha Sweden ayaa ku soo aadaya iyadoo Dhoor toogasho ay ka dhaceen Sweden kuwaasi oo u dhaxeeya Kooxaha gangiska.

Somaliska Stockholm

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here