Home Wararka Maanta Labo Qof oo lagu toogtay Xaafada Nacka ee Bariga Caasimada Stockholm.

Labo Qof oo lagu toogtay Xaafada Nacka ee Bariga Caasimada Stockholm.

0

Warar laga helayo Xaafada Nacka ee Bariga Caasimada Stockholm ayaa sheegaya in Halkaasi lagu toogtay labo qof kuwaasi oo dhaawac ahaan looga qaaday goobta weerarka ayaana dhacay abaaro 8:57 fiidnimo ee xiliga Stockholm.

Labada Qof ee la dhaawacay mid kamid ah ayaa laga helay guri dhexdiisa halka midka kale uu ku dhex jiray gaari waxana dhaawac ahaan loogu qaaday isbitaalka sida ay sheegeen booliska.

TT ma jiraa Qof loo xiray Weerarka?

Su’aashaasi ayaa la waydiiyay Carina Skagerlind oo u hadlay Booliska waxana uu yiri ” xiligan kuma siin karo warkaasi.

Goobta uu ka dhacay weerarka waxaa xiray Booliska waxana dul wareegaya Diyaaradaha qumaatiga u kaca kuwaasi oo wada baaritaan.

Qaar kamid ah warbaahinta gudaha ayaa goor hore soo qoray in Afar qof loo xiray weerarkaasi oo loo badinayo in uu xiriir la leeyahay dilal iyo toogashooyin horay u dhacay.

Somaliska Stockholm

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here