Home News in English Sharci Guryaha leeskaga Ceshanayo oo bilaabanaya bisha October hadaad ku kireyso Gacan...

Sharci Guryaha leeskaga Ceshanayo oo bilaabanaya bisha October hadaad ku kireyso Gacan labaad

0

Shirkadaha guryaha kireeya ayaa si fudud kaaga ceshan doona hadii aad gurigaaga ku kireyso gacan labaad adigoo ogolaansho ka heysan Shirkada kaa kireysay guriga.

Sharcigan Cusub ayaa bilaaban doona Bisha October bilowgeeda waxana Qofkii lagu qabto laga saaridoona guriga isla waqtigaasi waxaana soo dhaweeyay Shirkadaha kireeya guryaha oo u arka mid wanaagsan.

” Ma waanindoono Qofka kireeya guriga hadii lagu ogaado in si Sharci daro ah uu ku kireeyay gurigiisa si dhaqso ah ayaa ku joojindoonaa heshiisiiskiisa ” sidaasi waxaa sheegay Fredrik Erlandsson.

Sharciga ayaa sidoo kale dhigaya in Booliska uu baaritaan sameeyo hadii Qofka uu furiha gurigiisa uu siiyo qof kale kana kireeyo guriga taasi oo keeni karta in Xabsiga uu ku galo.

Dalka Sweden ayaa kamid ah Dalalka ay aadka ugu yaryihiin guryaha waxana qofka ay ku qaadataa 8 ilaa 12 sano in uu guri ka qaato xaafadaha qaar ee Caasimada.

Somaliska Stockholm

Halkan ka Akhriso Qoraalka oo Af-swedhish ah

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here