Home News in English Migrationsverket Bixinta Dhalashada Bilaha ku aadan January iyo February oo ka dhamaaday...

Migrationsverket Bixinta Dhalashada Bilaha ku aadan January iyo February oo ka dhamaaday Xafiiska Socdaalka

0

Waxaa si xoog leh u kordhay gabaabsiga lambarada aqoonsiga qof ee la yiraahdo personnummer tan iyo qul qulkii qaxooti ee sannadkii 2015, iyadoona dadka ugu daran ee gabaabsigan uu saameeyay yihiin soo galootiga dalka yimid dhowaantan.

Hassan Al Bakar oo u dhashay dalka Suuriya ayaa ka mid ah dadka loo sammeeyay lambar ka duwan xilliga uu dhashay.

– Waxaan dhashay kowdii janaayo, da’deeyduna waa 25, balse xafiiska diiwaan gelinta waxaa iigu qoran inaan dhashay shantii janaayo, ayuu leeyahay Hassan Al Bakar mar uu la hadlay raadiyaha Sweden.

Sida uu sheegay xafiiska diiwaan gelinta bulshada iney imminka ku nool yihiin Sweden dad ka badan 13 000 oo loo sammeeyay lambarka aqoonsiga shaqsiga oo aan waafaqsaneen taariikhda ay dhasheen.

Balse taariikhda kala duwan ayaa sababeysa dhibaato  gaar ahaan qofka marka uu ku socdaalayo baabsaboorka dalka uu u dhashay oo ay ku qoran tahay taariikhda saxda ah ee uu dhashay iyo kaarka aqoonsiga Sweden oo iyana ay ku qoran tahay taariikh ka duwan ee ah midkii lagu diiwaan geliyey.

Hassan Al Bakar ayaa mar dhowaantan uu u safray dalka Giriiga waxaa wareysi la yeeshay booliska xaduudaha ee dalkaasi waayo lambarkiisa personummerka iyo taariikhda dhalashada ee ku qoran baasaboorkiisa Suuriyaanka ayaa kala duwanaa.

Xafiiska diiwaan gelinta ayaa tan iyo sanadkii 2009 isticmaalayay taariikh dhalasho oo la bedelay si dhammaan qaxootiga soo galay dalka ee hela sharciga loogu sammeeyo lamabarada aqoonsiga.

Ingegerd Widell, oo ka tirsan xafiiska canshuuraha ayaa sheegtay in dadka soo galootiga ay ka yimaadaan dalal diiwaan gelinta dadweynaha uusan la mid ahayn sida kan Sweden.

– Waa dalal dhaqan ahaan la iska qaato taariikhaha sida kowda janaayo ama kowda luulyo oo qofku ma isticmaalayo taariikhdii runta ee uu dhashay. Waxaa u badan dalalka Ciraaq iyo Suuriya balse sidoo kale dalal kalana waa jiraan. Ayay tiri Ingegerd Widell

Haddaba dadka dhashay taariikhaha kor aynu ku soo sheegnay ayaa inta badan uu sameeyaa gabaabsiga lambarada aqoonsiga.

Ingegerd Widell ayaa sheegtay in ay maqasho dad dhibaatooyin kala kulma bedelka lagu sammeeyo taariikhaha ay dhasheen kolka ay safrayaan, waxayna kula talineysaa inuu qofku hore u qaato warqada caddeeynta qofka (personbevis) iyo warqada go’aanka ee loogu sammeeyay personnummer-ka halkaasi oo ay ku qoran tahay labada taariikh ee kala ah midda uu dhashay iyo tan loogu sammeeyay lambarka aqoonsiga.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here